U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Baay waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno hoostaga degmada Qansaxdheere ee gobolkaasi.

Ciidamadan ayaa ka baxay degmada Qansaxdheere, waxaana intii ay howlgalada wadeen ay iskacaabin kala kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha dowladda ee degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News inay ciidanku la wareegeen in ka badan 5 deegaan oo Qansaxdheere hoos yimaada.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin wararkaan sheegaya in deegaanno dhowr ah laga qabsaday.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

Goobjoog News