U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Degaanno Dhaca Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaanno hore leh oo ka mid ah gobolka Galgaduud ka saaray Al- Shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid gaar ah si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo Gorgor

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in Al- Shabaab ka xoreeyeen deegaanno ay dhuumaaleysanayeen ee dhulka howdka ah oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Waxa ay sheegeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii socon doonaan howlgalada ay ku doonayaan in Al- Shabaab ay kaga saaraan deegaannada guud ahaan dalka.

Ciidanka xoogga dalka ayaa Al- Shabaab ka saartay illaa 70 deegaano iyo degmooyink, kuwaasi oo dhaca gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose.

Howlgalkan ayaa imanaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka, ka dhanka ah Al- Shabaab.

Wajiga labaad ee howlgalka ka bilaabanaya gobolada dalka waxaa ka qayb qaadanaya , ciidanka wadamada safka hore waxaana magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlayay amniga iyo ka qayb qaadashada howlgalada socda sid wadajir ah

Goobjoog News