U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Tuulooyin Ka Tirsan Gobalka Bakool

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta Seddax Tuulo oo ka tirsan gobalka Baay, halkaasi oo in muddo ah ay maamuli jireen Xarakada Al-shabaab.

Tuulooyinka ay ciidamada la wareegeen ayaa lagu magacaabaa Mitir, Gurbaan iyo Kanaana, waxaana halkaasi isaga baxay ciidankii Al-shabaab, kahor inta halkaasi aysan tagin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xasan Aadan Yaroow oo hogaaminayay weerarka ay ciidamada dowladda ku qaadeen Tuulooyinkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay gacanta ku dhigeen Cabdullaahi Maxamed Axmed oo ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada Deegaanadaasi Laba ka mid ah si Nabad galyo ah ayeey ula wareegeen, hase ahaatee Mitir ayaan kula kulannay Al-shabaab iyaga oo sii baxaya, waxaan ka qabannay  nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed oo Al-shabaab u qaabilsanaa lacag ka qaadista gaadiidka shacabka, dagaal sidaa u badanna halkaasi kama aanu dhicin” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Federaalka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan waxay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobalka Baay iyo Bakool, inkastoo weli Al-shabaab aanu ka hadal shaqsiga la sheega in laga qabtay.

Goobjoog News