U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Degmada Jowhar Ku Qabtay Dad Beerayey Maandooriyaha Xashiiska

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyey degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha dhexe iyo deegaanno ku dhow degmadaasi ayaa waxay kusoo qabteen shaqsiyaad ku howlanaa beerista maandooriyaha Xashiishka.

Dadkan lasoo qabtay ayaa lagu xiray saldhigga Booliiska degmada Jowhar, inkastoo weli saraakiisha ammaanka ka gaabsadeen inay shaaciyaan tirada dadka howlgalladaan lagu soo qabtay.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in sidoo kale ciidanku ay qabteen Maandooriyaha xashiiska oo aad u badan.

Waxaa maalmahan dambe ka soconeyey degmada Jowhar howlagallo ay wadeen ciidanka ammaanka kaasi oo ay ku baadigoobayeen dadka maandooriyaha ku beera gobolka Shabellaha Dhexe.

Maamulka degmada Jowhar iyo kan degmada Balcad awaamiir ay horay usoo saareen waxay ku sheegeen in ay la wareegi doonaan dhulbeereedkii ay ku arkaan isaga oo lagu beeray Xashiish.

Goobjoog News