U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Degmada Xamar Jajab Ka Sameeyay Howlgal Dad Badan Lagu Qabtay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

HowlgalCiidamada dowladda Federaalka ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ka sameeyeen howlgal lagu qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay dhamaan xaafadaha degmadaasi iyadoo ciidamada ay qabteen in ka badan 100 qof, waxaana dhalinyarada lasoo qabtay la geeyay saldhiga degmadaasi.

Axmed Cismaan Dhoore oo ah gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ayaa u sheegay Goobjoog Fm in howlgalkaan uu ahaa mid amaanka lagu xaqiijinayay, islamarkaana dadkii la qabtay qaarkood lasii daayay ka dib markii la aqoonsaday.

Gudoomiyaha ayaa sheegay sidoo kale in ay ka go’an tahay sidii ay ku xaqiijin lahaayeen amaanka guud ee degmadaasi, ciidamadana xilli walba howlgalada sidaan ay sii wadi doonaan.

Degmooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxa ay ciidamada dowladda ka wadaan howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka, waxaana dadka lasoo qabto la geeyaa Saldhigyada degmooyinkaasi si baaritaan loogu sameeyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News