U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Gaari Hub Siday Ku Qabtay Duleedka Degmada Cadaado Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay gacanta ku dhigeen gaari la sheegay in uu hub u waday Ahlu-sunna Waljameeca.

Howlgalkaan lagu qabtay hubkaan oo shalay ay ciidanka sameeyeen ayaa ka dhacay deegaanka Dhuumoodle oo dhinaca galbeed 25-km kaga beegan degmada Cadaado ee gobolka Mudug.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugidda ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News xafiiska Cadaado in hubkaan uu isugu jiro rasaas iyo qoryo, balse ay baaritaan ku wadaan.

Ahlu-sunna Waljameeca weli kama aanay hadal hubkaan la sheegayo in uu iyaga u socday.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana Ahlu-sunna dagaalkaasi ay ku eedeeysay maamulka Galmudug.

Goobjoog News