U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari La Sheegay Inuu Siday Hub Iyo Walxaha Qarxa (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa howlgal ay habeenkii xalay ahaa ka sameeyeen Xaafadda Sey-biyaano ee degmada Hodon waxay kusoo qabteen gaari la sheegay inuu siday hub iyo sidoo kale walxaha qarxa.

Sida lagu qoray wakaaladda wararka SONNA, gaarigan waxaa saarnaa garaneellada garabka laga tuuro, qoryo Ak-47 ah, iyo walxo kale oo qaraxyada loo adeegsado.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay gacan ka geysteen in gaarigan gacanta lagu dhigo.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay doonayeen in hubkan iyo gaarigan ku sameeyaan falal amni darro.

Xuquuqda Sawirada Waxaa Leh Wakaaladda SONNA

04 02 01

Goobjoog News