U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Rag dhac u gaysanayay dadka Shacabka Ah

Sheeko:Amniga

Xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgalllo ka dhan ah buracadda dhaca u gaysata shacabka ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir waxa ay xalay howlgal ay sameeyeen ku  soo qabteen 5-ruux oo burcad ah, kuwaasi oo la sheegay in ay dhac xoogan u geysanayeen shacabka ku dhaqan degmada Deyniile.

Dadka la soo qabtay ayaa xilliga ciidamada ay gacanta ku soo dhigayeen waxa ay wateen dharka ciidanka, iyagoo shacabka dhac u gaysanayay.

Mas’uuliyiinta degmada Dayniille oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shantaasi ruux ee ay gacanta ku soo dhigeen kadib cabasho uga timid dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ay sheegeen in uu sii soconayo howlgalka ka dhanka ah burcadda.

Goobjoog News