U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Rag La Sheegay Iney Amni Darro Ka Wadeen Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkeenley ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen rag la sheegay in amni darro wadeen.

Dadkan ayaa tiro ahaan waxay gaarayaan 11, waxaana lasoo qabtay iyaga oo hubeysan, qaarkoodna waxay xirnaayeen dareeska ciidanka dowladda federaalka ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax oo kormeer ku tagay saldhigga degmada Dharkeenley oo raggan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaan howlgallada amniga Muqdisho lagu sugayo.

“Waxaa lasoo qabtay 11 nin oo qeybo ka mid ah degmada Dharkeenley dadka ku dhibaateenayey, qaar ayaa dhar shacab xiran kuwana waxay xiranaayeen dareeska ciidanka qalabka sida” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyey bilshada bisha barakeysan ee Ramadan waxay xoojiyeen howlgallada lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News