U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo Gobalka Shabeellaha Dhexe ku dilay xubna katirsan ururka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Muryaale oo u dhaxeeya degmooyinka Basra iyo Balcad, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen xubna kamid ah alshabaab.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay dileen 19 xubnood oo kamid ah ururka alshabaab oo ku sugnaa Tuulada Muryaale ee gobalka shabeellaha dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin, ayaa sheegay in ciidamada ay ka warheleen in deegaanka ay ku sugan yihiin xubna katirsan ururka alshabaab.

Goobjoog News