U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo hawlgallo ka fuliyay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Marko

Sheeko:Amniga

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ee HARAMACAD ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen wadada xiriiriso magaalooyinka Muqdisho iyo Marko.

Hawlgalka ayaa waxaa ciidamada ay ku burburiyeen fariisimo ay ururka al-shabaab ku lahaayeen deegaanada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga deegaanka Number 60.

Ciidamada ayaa sheegay in ay sidoo kale ay burburiyeen maxkamado ay ururka ku lahaayeen deegaannadaas, kuwaas oo hadda ciidamada ay la wareegeen fariisimahoodii.

Intii uu hawlgalka socday ayaa sidoo kale ciidamada ay ku guulaysteen in ay xiraan wadooyin ay al-shabaab ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa sida.

Goobjoog News