U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howl-gallo Amni Ka Fuliyay Deeganno Hoostaga Gobalka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka ayaa 24-saac ee la soo dhaafay waxa ay howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyeen deegaanada Miir-dugul, Xirsi-fiin, iyo Bulacle oo katirsan gobolka Galguduud.

Howl-galladaan ayaa waxaa iska kaashanayay Guutada 15-aad Qeybta 21-aad Xds iyo Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor ayaa waxaa hoggaaminayo Taliyaha Guutada 15-aad Gen Mascuud Maxamed Warsame.

Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sidoo kale sheegtay in ay burburiyeen farriisimo ururka al-shabaab ay ku lahaayeen deeganada ay howlagalada ka fulinayeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada illa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga deeganada dowlad gobaleedka Galmudug ay kaga sugan yihiin Ururka Al-shabaab.

Goobjoog News