U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howl-galo Ka Sameeyay Gobalka Bay

Sheeko:Amniga

Howlgalo ciidamada Daraawishta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ka sameeyen deegana hoosaga gobalka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay xubna ka tirsan Urrurka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa si gaar ah howl galka uga sameeyay Degmada Qansax-dheere ee gobalka Bay, ayaa sheegay in howl galka ay ku dileen xubna ka tirsan Urrurka Al-shabaab.

Maxamed Mukhtaar Cabdi Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Qansax-dheere ayaa sheegay in laba Ruux oo ka tirsan Al-shabaab ay dileen .

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in raggan xilliga la dilayay ay doonayeen in ay aasaan Miinada nooca dhulka la geliyo .

Holw galkan oo ahaa mid qorsheysan ayuu Maxamed Mukhtaar sheegay in ay goobta ay ka fuliyeen Al-shabaab ay ku lahaayeen Fariisimo sidoo kalena ay ku farsameyn jireen Miinooyinka .