U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlagallo Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaanno ku dhaw degmada Ceel-buur ee gobalka Galgaduud.

Taliyaha hogaaminayay ciidanka Xoogga dalka ee howlgalkaan wada Korneel Axmed Maxamed Tareedishe oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid lagu doonayo in amniga gobalka Galgaduud lagu soo celiyo.

Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay kaashanayaan, islamarkaana hadda howlgalka xooggiisa ay sameeyeen Shantii maalin ee ugu dambeysay.

Deegaanada ay ciidankaan tageen ayaa waxa uu ku sheegay inay kala yihiin Cadayo, Qosol-weyne, Rooble, Dararow, Daafeed, Jacar, Ula jarad iyo deegaanno kale oo uu tilmaamay in horay Al-shabaab ugu sugnaan jireen.

“Al-shabaab ayaan daba soconnaa, waxaan doonaynaa in gobalka oo dhan aan amnigiisa soo celinno, waxaan leenahay waa gabal dhacay nimankaan cadowga ah, ciidamada waxay tagi doonaan meel walba oo Al-shabaab ay joogaan, waxaa na garab socda ciidanka AMISOM, waana howl loogu tala galay in amniga shacabka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa hadda howlgalkaan ka wada gobalka Galgaduud ayaa maray deegaanno badan oo gobalkaasi iyo goballo ka mid ah.

Goobjoog News