U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo howlgal ay ka sameeyeen Muqdisho ku qabtay Gaari iyo Jaakado ay ku xiranyihiin walxaha qarxa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwo si gaar ah u tababaran ayaa degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho waxay sameeyeen habeenkii xalay ahaa, howlgal lagu soo qabtay Gaari la sheegay in loo adeegsaday dilalka mas’uuliyiin dhowr ah, Jaakado Walxaha qarxa ku xiran yihiin, hub iyo dhalinyaro halkaasi ku sugneyd.

Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumada Soomaaliya Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in gaarigaan oo noociisu yahay SURF lagu dilay xildhibano ka mid ahaa Baarlamaanka sida Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame iyo Xildhibaan Xeyd, waxaana uu sheegay in ay Isticmaali jireen Al-shabaab.

Maxamed Yuusuf ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ay qabteen Afar Jaakad oo ah kuwa la’isku qarxiyo, Boorsooyin ay Dumarka isticmaalaan oo Laba Xabo ah iyaguna Qaraxyo ku rakibnaayeen iyo in ay qabteen dhalinyaro loo diyaarinaayay in ay isku qarxiyaan meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Hoyga ay qaraxyadaan iyo Gaarigaan ay ka qabteen ciidamada dowladda ayuu Afhayeen Maxamed Yuusuf ku sheegay in sidoo kale laga abaabulay qorsheyaal badan oo saraakiil iyo Mas’uuliyiin lagu dilay, isaga oo tilmaamay in dowladda ay la wareegtay guriga falkaasi lagu qabtay.

Dhinaca kale shaqsigii uu u kireysnaa gurigaan oo u waramay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in hubkaan isaga loo keeni jiray, ka dibna shaqsiyaad ku sugan magaalada Muqdisho uu usii gudbin jiray, isaga oo qirtay in gaariga uu ahaa mid uu u isticmaali jiray geynta hubka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa ay wadeen shalay ilaa xalay howlgal lagu sugayo amniga guud ee magaalada Muqdisho, waxaana howlgalkaan inta uu socday lagu soo qab qabtay gaadiid iyo dad la sheegay in amni daridda ay ka qeyb qaadanayeen.

Waxaa xusid mudan in Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay sidoo kale ay ka jireen falal amni xumo iyadoo Sedaxdii maalin ee ugu dambeysay magaalada lagu dilay mas’uuliyiin iyo saraakiil.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Afhayeenka Wasaaradda amniga.

Goobjoog News