Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay B/weyne

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Wariyaasha Goobjoog ee gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidamadan ay howlgalkaan ku baarayeen dadka, gaadiidka iyo guryaha.

Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaan hoggaamineysa ayaa warbaahinta u sheegay iney jiraan dad lasoo qabtay, balse baaritaan ay ku wadaan.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan kusoo badanayey falalka amni darri.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW