U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmada Wadajir Ee Gobalka Banaadir

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgal ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, kaasi oo amniga lagu xaqiijinayay.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay si gaar ah howlgalkaasi uga sameeyeen xaafadda Nasteexa ee degmada Wadajir, waxaana jira dad lasoo qabtay inkastoo tiro ahaan aan la shaacin.

Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii xaafadaasi shalay lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Wadajir, waxaana inta howlgalka uu socday hakad galay isku socodka dadweynaha ee halkaasi.

Saraakiisha amniga gobalka Banaadir iyo sidoo kale maamulka degmada Wadajir ayaa xiriir aynu la sameynay inoo suurta gelin, waxaana jawiga hadda uu yahay mid caadi ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News