U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyey Degmada X/jajab Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal amniga lagu sugayo waxa ay xalay ka sameeyeen degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho.

Waxaa howlgalkan si gaar ah u sameynayey ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, waxaana ay isku gadaameen waddooyinka iyo xaafadaha degmada X/jajab.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi oo ka gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ay dhallinyarada kasoo uruuriyeen xaafadaha degmadaasi, islamarkaana ay isugu keeneen meel bannaan ah.

Illaa hadda lama oga in ciidamada NISA ay howlgalkaasi dad kula baxeen, balse waxa ay dadka u sheegayaan kaliya in amniga ay xaqiijinayaan.

Maamulka degmada X/jajab iyo saraakiisha amniga ee degmadaasi oo aynu xiriir la sameynay inooma suurtagelin inaan qadka taleefanka ku helno si aan wax uga weydiinno howlgalkaan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mararka qaar waxay howlgallo sidan oo kale ah ka sameeyeen degmooyinka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News