U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Wada Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo amni xaqiijin ah ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud, gaar ahaan deegaanno ku dhaw degmada Ceelbuur.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgalkaan bilaabay gelinkii dambe ee shalay, waxaana baaritaan ay ka wadaan deegaanada ku dhaw degmada Ceelbuur.

Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa warbaahinta u sheegay in ay soo qabteen rag ka mid ah Al-shabaab, balse tiro ahaan ma aysan shaacin.

Sidoo kale saraakiishaan ayaa sheegay in howlgalkaan looga golleeyahay sidii goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda looga sifeen lahaa Xarakada Al-shabaab.

Deegaanka Ceel qooxle oo maalin kahor la sheegay in ciidamada Itoobiya ay dad shacab ah ku dileen ayaa ka mid ah meelaha howlgalkaan laga sameeyay, iyadoo weli howlgalka uu yahay mid socda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News