U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Lagu Qabtay Maandooriyeyaal Ka Sameeyay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugidda Qaranka ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen 48-kii saac ee lasoo dhaafay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo soo qabtay Maandooriyeyaal.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka ay gudaha u galeen guri uu sheegay in Maandooriyaha lagu iibin jiray, sidoo kalena dadka ay ku isticmaalayeen.

Waxa uu afhayeenka sheegay in halkaasi lagu soo qabtay Maandooriye badan, taasi oo dhibaato badan u keenayay shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidamadda Nabad Sugidda uma diyaar sana oo qura  in ay la dagaallaman Shabaab ee waxa ay sidaasi si la mid ah ula dagaallamayaan cidwalba oo lagu helaa nuucyada Xashiishka, Calaqa iyo maandooriyaasha kale ee Qatarta ah” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigi doonaan maandooriyaha iyo cid walba oo lagu helo, isaga oo uga digay dadka arimahaasi caadeystay inay faraha kula sii jiraan.

Goobjoog News