U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Wadada Isku Xirta Sh/hoose Iyo Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen waddo isku xirta goballada Baay iyo Shabellaha Hoose.

Abukar Cabudllaahi Isaaq oo ah gudoomiyaha deegaanka Leego ee Sh/hoose oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in ciidamada ay raadinayeen burcad uu sheegay in shacabka ay dhac ku hayso.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in howlgalladaan ay kusoo qabteen rag badan oo Isbaarooyin dhiganayey, haatanna uu soo hagaagay amniga oo la’isku haleyn karo.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo aan kala joogsi lahayn waxay ka wadeen wadada isku xirta Leego iyo Buur-hakaba, waxaan ku guuleysannay in aan gacanta ku dhigno cid walba oo amni xumi waday, hadda nabad ayaa wadada ka jirta waana la’isku haleyn karaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhowr Jeer waxay cabasho ka timid shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo mararka ay ku safrayaan wadada isku xirta goballada Baay iyo Shabellaha Hoose dhibaatooyin kala kulma rag hubeysan.

Goobjoog News