U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyey Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo la sheegay in lagu xaqiijinayey amniga waxay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliska ciidanka Booliiska Baladweyne ayaa sheegay in magaaladaasi ay kusoo bataan dilalka loo geysanayo ciidanka dowladda ee ku sugan magaaladaasi, sidoo kalena magaalada maalmihii dambe ay si caadi ah isaga dhex mushaaxayeen rag aan wadan dareeska ciidanka misane hub ku dhex wata gudaha magaalada Baladweyne.

Cali Dhuux Cabdi oo ah taliyaha saldhigga Booliiska Baladweyne oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in amniga magaaladaasi uu ku dhawaaday inuu faraha ka baxo sidaa darteedna ay billaabeen howlgallo amniga ay ku sugayaan.

Guddiga amniga Gobolka Hiiraan ayuu sheegay in dhawaan ay go’aan buuxda kasoo saari doonaan maleeshiyaadka hubeysan ee magaalada dhexmaraya, iyaguna ka Booliis ahaan ay gacanta kusoo dhigi doonaan dadka hubkaasi wata.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa u digay ragga darees ciidan la’aanta ah ee hubka ku dhex wata magaalada Baladweyne, wuxuuna sheegay in taasi ay ka faa’ideysteen Al-shabaab oo uu tilmaamay in magaaladaasi ay dilal ka geysteen.

Goobjoog News