U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Dad Lagu Soo Qabqabtay Ka Sameeyay Afgooye

Sheeko:Dalka

Howlgallo dad lagu soo qabqabtay ayaa ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxay ka sameynayaan degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa xaafadaha degmada Afgooye lagu arkayay ciidamo badan oo dhex socda kuwaa oo howlgallo wada.

inkastoo ay ciidamada ay Saaka kasoo baxeen xaafadahan haddana waxa ay ku sugan yihiin waddooyinka laga galo xaafadaha degmada Afgooye, iyagoo dadka u  diidaya  in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq.

Dad aan tiradooda la caddeyn ayaa howlgallada lagu soo qabqabtay kuwaas oo u badan dhallinyaro.

Labo meel oo Afgooye kamid ah ayaa la isugu geeyay dadkaasi oo qaarkood su’aalo inta la weydiiyo kadib la fasaxayo.

Howlgallada ayaa weli soconaya, saraakiisha ammaanka dowladda iyo  kuwa AMISOM weli kama aysan bixin wax war ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News