U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Dad Lagu Soo Qabqabtay Ka Sameeyey Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan Booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa howlgallo dad lagu soo qabqabtay waxay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in ciidankaan ay ku galeen guryo gaar ah oo la sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa.

Warbaahinta dowladda ayaa lagu baahinyay in ciidamada Booliiska ay gacanta ku dhigeen Seddax ruux oo la sheegay in lala xiriirinayo Xarakada Al-shabaab.

Ma jirto faah faahin kale oo howlgalkaan laga bixiyay, hase ahaatee ciidamada dowladda gaar ahaan Booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa maalmihii dambe waxay howlgallo ka wadeen magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ah.

Xiriir aynu isku daynay inaynu la sameenno maamulka degmada Afgooye, si faah faahin intaan ka badan uga helno howlgalka ayaan inoo suurta gellin.

Goobjoog News