U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Dhiig Ku Daatay Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgallo ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobolka Baay kaasi oo dhiig uu ku daatay.

Ciidamada ayaa howlgalkaan xooggiisa waxay ka sameeyeen deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay, waxaana halkaasi ku dhintay ku dhawaad 11 qof ayna soo qabteen ciidanka dad gaaraya 10 qof.

Axmed Aadan Maxamed oo ah guddoomiyaha deegaanka Goofgaduud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheesan, islamarkaana ay iska caabin kala kulmeen Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ciidmada ay weerar ku qaadeen Shan xarun oo uu sheegay inay ku sugnaayeen Al-shabaab ayna dileen 11 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Howlgalkaan waxa uu ahaa mid qorsheesan, waxaan qaadnay dagaal ballaaran waxaan dilnay 11 ka mid ah nabad diidka, waxaan soo qabannay 10 kale kuwaasi oo baaritaan lagu hayo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab weli kama aanay waxa ka jira khasaare intaas la eg inuu kasoo gaaray howlgallada ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen gobolka Baay.

Goobjoog News