U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanno Hoostaga Galcad

Sheeko:Amniga
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud iyo deegaanno hoos taga oo qiyaastii baaxad ahaan gaaraya ku dhowaad 30-KM.
Ciidamada ayaa si gaar ah hawlgal amni xaqiijin ah uga sameeyay dhamaan qaybaha ay ka koobantahay magaalada Galcad iyo xaafadaheeda, degmada ayaa markale soo gashay gacanta dowladda,
Dhammaan deegaannnada hoos taga Galcad oo ciidanka  Xoogga Dalka ay howlgallada ay sameeyeen ayaa Al-shabaab  ay isaga baxeen , sida ay baahisay Warbaahinta Qaranka.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadka shacabka ah kula kulmay deegaannada howlgalada laga sameeyay iyadoo saraakiisha ay dad-weynaha ka xog-waraysteen xaakadahooda xilligaan bisha Ramadaan.
Howlgalkaan ayaa qayb ka ah howlgalo maalmahaan ka socday qaybo badan oo ka mid ah gobalka Galgaduud kaas oo Al-shabaab  looga saaray dhul baaxad ahaan gaaraya ku dhowaad 100-KM.
Goobjoog News