U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo inta u dhaxeysa deegaannada Cali Mahdi iyo Basra, ayaa sheegay in saaka ay ciidamada dowladda weerar ay ku qaadeen farriisimo ay ururka alshabaab ku lahaayeen deegaannadaas.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada nabad sugidda NISA iyo Haramacad, ayaa lagu burburiyay farriisimo alshabaab ay lahaayeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Ciidamada dowladda sidoo kale sheegay in ay soo furteen dad shacab ah oo ganacsato ah, kuwaas oo u afduubna ururka alshabaab siday ay hadalka u dhigeen.

Goobjoog News