U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Degmada Xamar Jajab Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dad badan lagu soo qabtay.

Ciidamada ayaa ku faafay qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi ay ka kooban tahay, waxaana wararku ay sheegayaan in dadka lasoo qabtay ay u badnaayeen dhallinyaro.

Maamulka degmada Xamar Jajab oo aynu xiriir la sameynay si howlgalka faah faahin inooga siiyaan ayaa ka gaabsaday, hase ahaatee inta howlgalkaan uu socday waxaa aad u yaraa isku socodka dadweynaha ee degmadaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada dowladda Federaalka waxa ay howlgallo sidaan oo kale ah ka sameynayeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir, iyadoo amniga la sugayay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News