U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay Shabeellada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada  dowladda federalka Soomaaliya  ayaa howlgallo  waxaaa ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, howlgalkaan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaannada ciidanku ay gaareen oo shacabku amni darri  kaga cabanayeen.

Howlgalladaan ayaa waxaa laga fuliyay deegaannada leego, Yaaq Bariweyne iyo Warta Madax Maroodi oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoos, deegaannadaan ayaa ah kuwa muddooyinkii ugu dambeeyay laga sheegay  amni xumi, sigaar ah deegaannada hoostaga Walanweyn.

Taliyaha ururka 64-aad ee xoogga dalka Cali Cabdulalahi Halac ayaa sheegay in howlgalladu ay ku qotomeen xaqiijinta amniga deegaannadaas, waxaana uu intaas ku daray intii howlagalka socday in gacanta ay ku dhigeen xoogga ka tirsan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay taliyaha.

Ciidamada xoogga ayaa inta badan waxaa ay gobolka deegaannadiisa kale duwan ay ka sameeyaan howlagallo lagu amniga lagu xaqiijinaayo, waxaana uu intaas raaciyay in ay siiwadayaan, shacabka ayaa in badan amni xumo ka sheegta wadada dheer ee xiriirisa Shabeellada hoose iyo Baay.

Goobjoog News