U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo Ka Sameyay Gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo maamulka gobalka Hiiraan, ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deeganno hoostaga degmada Matabaan.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, waxaanaha qayb ka ahaa ciidamada xoogga dalka guutada 5-aad qaybta 27-aad.

Intii uu howlgalka socday ayaa ciidamada waxa ay iska caabin kala kulmeen xubna ka tirsan ururka al-shabaab, iyagoo ciidamada dhamaan ka saaray Al-shabaab deeganadii ay howlgalka ka sameyeen.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, ayaa sheegay in ay siiwadayaan howlgalada ka dhanka ah ururka alshabaab, inta ka saarayaan deeganada gobalka Hiiraan.

Sikastaba waxaa muddooyinkii la soo dhaafay maamulka gobalka Hiiraan ay howlgallo noocaan ah ay ka wadeen degmooyinka hoostaga gobalka Hiiraan.

Goobjoog News