U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Deegaanno Ka Mid Ah Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo ka tirsan xoogga dalka ayaa lagu soo waramayaa in saaka howlgallo ballaaran ay ka billaabeen deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku baxay wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobalkaasi, ka dib markii halkaasi ay kusoo bateen rag hubeysan oo dhib ku haya dadka shacabka ah.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Hoose, Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo sheegaya in howlgalladaan lagu baacsanayo rag la sheegay in dhawaan haween ay ku fara xumeeyeen wadadaasi.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi qaarkood oo la hadlay wariyaheena waxay u sheegeen in saacadaha soo aadan ay siin doonaan faah faahinta howlgalka iyo wax ay kusoo qabteen.

Gudoomiyaha deegaanka Mareeyeen Sayid Baalle Mayow oo shalay la hadlay Idaacadda Goobjoog, waxa uu sheegay in rag hubeysan ay Shan haween ku kufsadeen wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey.

Goobjoog News