U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Deegaanno Ka Tirsan Gobalka Gedo Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan deegaanno ku dhaw degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, halkaasi oo shalay lagu dagaallamay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ay ku faafeen deegaanka Godey oo shalay dagaal xooggan uu ku dhex maray iyaga iyo ciidamada Al-shabaab.

Xiriir aynu la sameynay saraakiisha dowladda Soomaaliya ee hogaamineysa howlgalladaan ayaa ka gaabsaday inay faah faahiyaan natiijada howlgalkaan ay wadaan.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Godey ee gobalka Gedo waxaa ku dhintay Afar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Baraha ay Al-shabaab ku leeyihiin Internetka ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Goobjoog News