Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Buurhakaba, Gobolka Baay

Wararka maanta oo Khamiis ah ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka K/galbeed ay howlgallo ka wadaan degmadaasi.

Howlgalladaan oo ah kuwo amniga lagu xaqiijinayo ayaa wararku waxay sheegayaan in ciidamada ay baarayaan xaafadaha degmadaasi qaar iyo sidoo kale deegaannada ku dhow degmadaasi.

Goob jooge ku sugan degmada Buurhakaba ayaa u sheegay Goobjoog News in uu arkay dad ay ciidanku ku qabteen howlgallada, balse waxa uu tilmaamay inaanu qiyaasi karin tiro ahaan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Buurhakaba ayaa dhankooda xiriir aynu la sameynay waxay sheegeen in howlgalkaan uu yahay mid amniga lagu sugayo, islamarkaana wixii faah faahin ah ay dib saxaafadda kasiin doonaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW