U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Garbahaarey Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo.

Dad ku sugan degmadaasi ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in howlgalladan ay ciidanka ku baarayaan guryaha ku yaalla degmadaasi, iyo sidoo kale gaadiidka degmada Isticmaalaya.

Dad ku dhaw 10 ayeey ciidanku qabteen, waxaana lasoo sheegayaa in howlgalka weli yahay mid socda, lamana shaacin ulajeedka laga leeyahay.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Garbahaarey oo aynu xiriir la sameynay si aan wax uga ogaanno ulajeedka howlgalkan ayaa ka gaabsaday in faah faahin ay ka bixiyan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News