U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Qoryooley Iyo Deegaanno Ku Dhow

Sheeko:Amniga

Wararka saakay oo Isniin ah ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmadaasi iyo deegaanno kale oo ku dhow.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee degmadaasi, howlgalkaan ayaa daba socda weerar ay shalay dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen degmadaasi, gaar ahaan fariisin ay halkaasi ku lahaayeen ciidanka dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada galayaan guryaha qaar ee xaafadaha degmada Qoryooley, iyadoo aanay jirin cid howlgalkaasi lagu soo qabtay.

Maamulka degmada Qoryooley oo aan xiriir la sameennay si aan wax uga su’aalno howlgalladan socda ayaa ka gaabsaday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News