U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmooyin Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran waxay ka wadaan degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Howlgalladaan ayeey ciidanku billaabeen saqdii dhexe ee xalay, waxaana la sheegayaa in lagu soo qabtay dad badan oo baaritaanno lagu hayo.

Taliyaha qeybta Booliiska Waliyow Cadde Maxamed Daahir oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Muqdisho, islamarkaana guri guri ay u baarayaan xaafadahaasi.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in ay jiraan dad lagu soo qabtay howlgalladaan, hase ahaatee ay shaacin doonaan wixii ay arkaan markii ay baaritaankooda dhameystaan.

Ciidamada ayaa xalay illaa iyo saakay waxay guri guri u galayaan xaafadaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, iyadoo meelaha qaar aanay ka jirin isku socod dadweynaha ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News