U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa ciidamada dowladda ay ka wadaan howlgallo, saaka oo khamiis ah.

Howlgalladani oo lagu baarayo dadweynaha iyo gaadiidka ayaa ciidamada waxay ka sameynayaan qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho.

Sida Goobjoog ay u sheegeen dadka degaanka saaka waabarigii ayaa la arkayay ciidamada dowladda ee ku sugan isgoyska Bakaaraha oo baabuurta iyo dadkaba baaraya.

Howlgalladani ayaa qeyb ka ah kuwa maalmahani magaalada Muqdisho ay ka wadaan ciidamada xasilinta caasimadda ee dowladda Ferderaalka.

Dhanka kale ciidamada xasilinta ayaa sidii caadiga ahaydba waxay magaalada Muqdisho uga wadaan howlgallada amni xaqiijinta ah, gaar ahaan waxay barahoodii hore ku baaraan gaadiidka dadweynaha iyo midka gaarka loo leeyahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News