U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo waxa ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgalada ayaa meelaha ay ka socdaan waxaa ka mid ah deegaanka Leego iyo sidoo kale deegaanno kale oo ku dhaw deegaankaasi.

Abukar Cabdullaahi oo ah gudoomiyaha Leego oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ciidamada la dagaallamayaan cid walba oo amniga wax u dhimeysa, sidoo kalena ay baadi goob ugu jiraan dadka hubeysan ee dhibka ku haya shacabka safarka ah.

“Ciidamada howlgaladaan waxay billaabeen maanta, waxaa lagula dagaallamayaa cid walba oo dhib ku haysa shacabka, hadii ay ahaan lahayd kuwa Isbaarada dhigta ama kooxaha aan nabadda rabin” ayuu yiri gudoomiyaha Leego.

Howlgalkaan ma aanu sheegin weli dad ay kusoo qabteen, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada ay wadi doonaan tan iyo inta ay sugayaan amniga guud.

Howlgaladaan ayaa imaanaya xilli deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose ay kusoo badanayeen Isbaarada loo dhiganayo dadka shacabka ah ee halkaasi ku safra.

Goobjoog News