U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Jir Dil u Geystay Wariyeyaal u Shaqo Tagey Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay nawaaxiga xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho jirdil ugu geysteen wariyeyaal ka mid ah kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa u gacan qaaday qaar ka mid ah wariyeyaasha, waxaana ay sidoo kale agabkoodii shaqo ka qaateen qaar kamid ah suxufiyiintan, iyadoo sidoo kale wariyeyaashan rasaas lagu ridey.

Suxufiyiintan oo saakay loo diidey iney wararka si toos ah uga soo tabiyaan xarunta golaha shacabka ayaa dhanka kalena dhibaato kala kulmay ciidamada DFS.

Ma jirto cid ka mid ah dowladda federaalka oo ka hadashay dhibaatadan loo geystay wariyeyaasha, iyadoo taasi ay daliil u tahay dhibaatada ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Goobjoog News