U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Ka Guurey Dugsiga Sare Afgooye iyo Iskoolka oo Dib Loo Furey

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka guurey dugsiga sare ee degmada Afgooye halkaasi oo ay degenaayeen muddo 3 sano ee lasoo dhaafay, waxayna tani suurogalisey in iskuulkii dib loo furo.

Maamulada dugsiga sare Afgooye Ismaaciil Sheekh Maxamed ayaa sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin talaabadan uu qaaday maamulka cusub ee degmada, isaga oo hadlayana waxa uu yiri “Ismaaciil Sheekh Maxamed “Aad baan oga naxnay markii la xirey iskuulka, oo ardeydii ay noqdeen kuwa garaabada aruuriya” .

Guddoomiyaha Afgooye Cabdiqani Yuusuf ayaa sheegey in meesha aysan u iman in ay shirar jaraa;id qabtaan, balse ay xilka u qabteen in wixii loo igmaday ee baahida dadweynaha ah ay wax ka qabtaan, taana ay tahay wadada ay hadda ku taaganyihiin.

Mudadii uu iskuulka xirnaa illaa 500 arday ayay waxbarasho la’aan ku dhacday , kuwaasi oo hadda rajadooda ay dib usoo laabatay.

Goobjoog News