U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo Ku Guuleystay joojinta Xiisado ka Taagnaa Deegaanno Hoos Yimaada Balanballe

Sheeko:Amniga

Ciidamada qalabka sida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaboojiyay xiisad colaadeed oo mar kale ka soo cusboonaatay degaanno hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo isgu jira CXD qeybta 21-aad iyo NISA ayaa gaaray degaannada Oodaale iyo Xersi Lugeey, iyagoo kala dhex galay Labad Beelood ee ay halkaasi xurfufta ku dhex martay.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kulammo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka kasoo kala jeeda degaannadaasi, waxaanay u sheegeen in aan la oggoleyn in ay halkaasi ka dhacdo dirir sokeeye Dhiig dambana uu ku daato macna darro.

Odayaasha iyo waxgaradka degaannadaasi ayaa soo dhoweeyay Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamineysaba, waxanay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in Dowladdu ay ka howl-gasho halkaasi, si xal loogu helo dilalka macna darrada ah, waxanay a dhinacooda ballan qaadeen in ay xoojinayaan nabad gelyada guud.

Goobjoog News