U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo la wareegay Ceeldheer

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada.

Ciidamada ayaa degmada ka saaray ururka alshabaab oo ku sugnaa muddo dhawr sano, ciidamada ayaana sheegay in hawlgallada dib u xoreynta ay sii socon doonaan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in Degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud laga xoreeyay Al-shabaab.

Goobjoog News