U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaan hoostaga Xarardheere

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ah ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceelhuur ee hoostaga degmada Xarardheere.

Ciidamada ayaa hawlgallo qorsheysan hawlgallada waxaa ay kala wareegeen gacan ku haynta deegaankaas oo ay alshabaab ku sugnaayeen muddooyinkii la soo dhaafay.

Hawlgalkaan ayaa ka soo ruqaansaday degmada Hobyo ee gobalka Mudug, taas oo suuragelisay in ay ciidamada ku guulaystaan hawlgalladaas.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay kaabiga ku haayaan degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Goobjoog News