U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Saldhigga Degmada Guriceel

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeyay ee naga soo gaaray magaalada Guriceel ayaa sheegaya in gooba muhiim ah oo ka tirsan magaalada ay la wareegeen ciidamada dowladda.

Goobaha ay qabsadeen ciidamada dowladda ayaa waxaa ka mid ah saldhiga iyo xarunta degmada guriceel ee gobalka galgaduud.

Dhanka kale  waxaa soo baaxaya warar sheegaya in dagaalka uu sababay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay magaalada oo ay ku soo dhaceen tira hoobiyayaal ah iyo hubka culus ayaa waxaa ku burburay gooba ganacsi iyo guryo.

Gabar yar ayaa sidoo kale la sheegay in dagaalka intii uu socday ay ku dhaawacan tay hoobiye ku dhacay aga gaarka Istarliin.

Xaaladda ayaa wale kacsan degmada ayaana waaxaa weli isku hor fadhiya ciidamada dowladda iyo Ururka Ahlu-sunna.

Goobjoog News