U bood dhigaalka

Nabadoon Maxamed “Ciidamada Dowladda Ayaa Soo Weeraray Deefow”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed  Axmed oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Deefow ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo maalin kahor lagu dagaallamay.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in maamulka gobalka Hiiraan iyo ciidamo ka tirsan Milatariga, islamarkaana huwan magac qabiil ay duulaankaasi qaadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dagaalka Deefoow waxaa soo qaaday ciidamada Milatariga dowladda iyo maamulka gobalka Hiiraan oo huwan magac qabiil, anaga waan hubnaa, cadeymo badan baan haynaa, rasaastii ay dowladda bixisay, darees iyo qoryo ayaan ka haynaa, ciidamadaan ilaa degmada Buuloburde ayaa laga keenay, laakiinse anaga waan iska caabinay” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhinaca kale Nabadoonka ayaa warar been abuur ah ku sheegay in la doonayo deegaanka Deefow ee gobalka Hiiraan in lagu daro dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isaga oo shaaciyay in aysan diyaar u ahayn in ay ka go’aan gobalka Hiiraan.

Dhanka maamulka gobalka Hiiraan weli kama aanu hadal dagaalkaasi iyo sidoo kale eedeynta loo jeedinayo ee ah in ciidankoodu ka qeybqaatay dagaalka Deefow.

Goobjoog News