U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Maanta Xiray Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, arimo la xiriira shirka maanta ka furmaya magaalada.

Waxaa wadooyinka xiran ka mid ah, midda 21- October, Wadada Via Liberia ee degmada Waaberi, iyo wadada isku xirta Dekadda Magaalada Muqdisho iyo Afisyone.

Ciidamada ayaa halkaasi u diidaya gaadiidka dadweynaha ee isticmaali jiray wadooyinkaasi, waxaana lagu amrayaa gaadiidka in halkaasi ay dib uga laabtaan.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid aad loo adkeeyay, waxaana marka laga soo tago wadooyinka xiran, lagu arkayaa guud ahaan laamiyada magaalada ciidamo amniga xaqiijinaya.

Saacadaha soo aadan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka furmi doona shir ballaaran oo looga hadli doono arimaha ku aadan hiigsiga 2016, waxaana ka qeybgali doona xubno ka socda beesha caalamka iyo dowladda Federaalka.

Goobjoog News