U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo maanta xiray wadooyin badan oo Muqdisho ku yaala

Sheeko:Dalka

muqdisho-1Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray wadooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho, maadaama ay kulan leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la arkayaa ciidamo badan oo wadooyinka taagan, iyadoona maanta qaabka ay wadooyinka u xireen ka duwan yahay sidii hore.

Wadada dheer ee Makka Al-mukarrama waxaa maanta laga xiray Isgoyska Jubba, halka horay liooga xiri jiray Tiyaatarka, waxaana ciidamada ay joogaan ilaa wadada Shaqaalaha.

Dhinaca kale kaliya ma ahan wadada makka Al-mukarrama meelaha ciidamadaan lagu arkaayo, ee sidoo kale isgoys walba oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa aad u buuxa ciidamo Booliis iyo Nabad sugid isugu jira, kuwaa oo wata gaadiidka gaashaaman.

Tani waxay saameyn ku yeelatay isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa gaadiid badan oo dhex maraya xaafadaha.

Goobjoog News