U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Magaalada Muqdisho Ku Qabtay Gaari Laga Soo Buuxiyey Walxaha Qarxa (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa habeenkii xalay ahaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Gaarigan oo lagu soo bandhigay degmada X/weyne ayaa waxaa saarnaa waxyaabo badan oo saraakiisha amniga sheegeen in  loo adeegsado qaraxyada.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay soo bandhigeen hay’adaha amniga Boolal badan, dhallooyinka cabitaanka ka dhamaaday, Biro, Fuusto la sheegay in walxo qarxa ku jiraan iyo walxo kale oo fara badan.

Dhammaan walxahan waxay saarnaayeen gaari nooca loo yaqaan Kaarib, iyadoo ciidamada loogu talo galay kahor tagga qaraxyada ay kala furfureen walxihii qaraxa ee saarnaa gaarigaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo saxaafadda kula hadashay halkaasi waxay sheegeen in helitaanka gaarigan ay suurtagal ka dhigtay kadib markii ay macluumaad badan ka heleen dadka shacabka ah.

Hoos ka arag sawirada

G10 G9 G8 G7 G6 G5 G4 G3 G2 G1

Xuquuqda Sawirada waxaa leh SONNA

Goobjoog News