U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo Muqdisho ka sameeyay howlgal dad iyo hub lagu soo qabtay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka waxay howlgal kula jarmaadeen xaafado ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ay soo qabteen, Hub, Gaadiid iyo rag ay sheegeen in Al-shabaab ka mid yihiin.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf oo saxaafadda kula magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa wejigii Koowaad ee howlgalka loogu tala galay in amniga lagu sugo.

Maanta ayuu sheegay in wejiga ugu horeeyay lasoo gaba gabeeyay, isla maantana sidoo kale uu bilawday wejiga Labaad ee howlgalkaan, kana xoogan midkii Koowaad.

Afhayeenka oo faah faahin ka bixinaayay waxyaabaha ay soo qabteen ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 82 qof, baaritaan ka dibna 22 ka mid ah ay noqdeen Al-shabaab walibana hogaamiyaal ay ku jireen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka hubka ayuu sheegay in ay soo qabteen 30 qori oo kuwa fudud ah, Bambooyin, Rasaas, waxyaabaha maanka dooriya, Shan gaari oo uu sheegay in ay isticmaali jireen Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in lala wareegay Afar Guri iyo Laba Garaash oo uu ku sheegay in Al-shabaab ay qaraxyo ku diyaarinaayeen.

Howlgalkaan ayuu ku cadeeyay in kaalin ay ka qaateen shacabka magaalada Muqdisho, kuwaa oo tilmaamay hubka iyo waxyaabaha kale ee lasoo qabtay meelaha ay yaaleen, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay u dulqaataan howlgalka wejigiisa Labaad oo uu sheegay in uu ka xoogan yahay midka maanta, isagoona carabka ku dhuftay in ay sidoo kale soo ogaadeen xaafadaha ay howlgalka ka sameeyeen guri walba cida degan.

Dhanka kale howlgalka inta uu socday ayuu Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf sheegay in la fashiliyay sedax isku day oo ku aadan falal qaraxyo ah oo uu tibaaxay in Al-shabaab ay fulin rabeen.

Halkaan hoose ka dhageyso Afhayeenka oo arimahaan ka hadlaaya.

Goobjoog News