U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo rag ka tirsan Al-shabaab ku qabtay gobolka Shabeellaha hoose

Sheeko:Dalka

Taliyaha cusub ee booliska gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay ku soo qabteen howl gallo ay ka sameeyeen degmooyin hoos yimaada  gobolkaasi.

Ismaaciil Axmed Cismaan oo dhowaan la wareegay xilka oo ay dowladdu u magacawday ayaa tilmaamay in howl galkan uu bilowday markii uu la wareegay todobaadkii la soo dhaafay xilka taliyaha ciidamada booliska ee gobolkaasi oo uu sheegay in lagu xasilinayay amniga degmooyinka dowladdu ay ka joogto gobolkaasi.

Taliyaha ayaa xusay in ay beegsadeen meelo gaar ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen xarakada Al-shabaab.

“In ka badan 20 shabaab ah ayaan ku soo xirnay howlgallada, baaritaan kadib qeyb ka mid ah dadkii la qabtay waxa ay qirteen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab isla markaana waxa aan u gudbinay Muqdisho.”

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howl galadii u dambeeyay kula wareegay degmooyinka Kurtun-waareey iyo Buulo mareer oo ay hore u maamulayeen Al-shabaab.